Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Rag dhac ka geysanayay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada ammaanka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa howgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen rag burcad hubeysan ah oo dhac ka geysanayay xaafado katirsan degmadaasi Dayniile.

Ragga Burcadda ah ayaa isugu jiray rag ku labisnaa dareeska Ciidamada Millateriga Soomaaliya sidoo kale watay qoryo iyo rag kale oo iyana tooreeyo ku hubeysnaa.

Ragga la qabtay oo gaaraya ilaa 5 Dhalinyaro ah ayaa waxaa cabasho ka keenay Shacabka kunool xaafadaha degmada Deeyniile, kuwaas oo dhowr jeer ay dhac u geysteen.

War kasoo baxay maamulka degmada Deeyniile ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka raggan lagu qabtay uu ahaa mid ay uga jawaabayeen cabasho uga timid qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool degmada Deeyniile.

“Anagoo kajawaabayna cabashada shacabka ayaa howl gal qorsheysnaa kafulinay Degmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab- qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah. Taasna waxay noogu suuragashay wada shaqaynta shacabka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka degmada deeyniile.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Shacabka kunool Xaafadaha degmada Deeyiile waxaa ay ka caanayeen Rag hubeysan oo xilliyada habeenkii dhac u geeysanaya, kuwaas oo dadka qaarkood dilaya..