laamaha Amniga Soomaaliya oo soo bandhigay Nin dil geystay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa Taliska Booliska Dagmada Caabudwaaq kusoo bandhigay Axmed Dhagadheere oo labo Malin kahor Gudaha Dagamada Caabudwaaq kudilay Allaha u naxaristee taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walashiis Xaawo Cumar Geelle.

Ninkaan oo ah Askari katirsan Ciidanka Millateriga ayaa howlgal xalay laga sameeyay duleedka degmada Cabudwaaq lagu soo qabtay.

Ciidamada ayaa Askarigaan baadi goobayay labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana loogu sheegay in uu u baxsaday dhinaca Gobolka Mudug, hayeeshee ay ka qabteen degaanka Ceel-gargaar ee duleedka bari ee degmada Caabudwaaq.