laba kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo goordhow la doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah ka socota Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo shalay bilaabatay.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in la dhameystiro 11 kursi oo lix kamid ah shalay la doortay, waxaana Shanta kursi ee hartay laba kamid ah goordhow la doortay.

Kursigii kowaad ee doorashada maanta ka dhacday Afisoni waxaa markale ku guuleystay sanetor saciid xuseen oo dib loogu doortay Senatarnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kaddib markii loo tanaasulay.

May be an image of 1 person, beard, eyeglasses and suit

Sidookale Naciima Xasan Xaaji ayaa loo doortay Kursiga labaad ana kursiga 8aad ee Senatarnimo ee Aqalka Sare Somalinland, iyadoo ka guuleysatay Muna Cumar Xasan oo horay Kursigan ugu fadhisay. Naciima ayaa La Taliye dhanka Sharciga u ah Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

May be an image of 1 person, standing and text that says 'SEN. NACIIMA XASAN XAAJI Naciimo Xasan Xaaji ayaa ku guuleystay kursiga 8aad ee sanatarada ka imaanaya gobolada waqooyi ee dalkeena DOORASHADA AQALKA SARE ee SOMALILAND SNV'