Labada maamul ee ugu weyn maamulada dalka oo u midoobey Xasan Sheekh.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Puntland ay shir wada-tashi ah ku yeelanayaan Garoowe.

Dhanka kale Madaxweyne Siciid Deni oo maanta u bixi lahaa safar dalka Itoobiya ah ayaa sida wararku sheegayaan ka baaqday waxaana la sugaya Madaxweyne Lafta Gareen.

Sidookale dhaq dhaqaaqan siyaasadeed ayaa ka dhashay kulankii dhexmaray Sicid Deni iyo Xasan Sheekh ee natiija la’aanta ku dhammaaday, waxaana deni ka shaqeynayay sidii Koofur Galbeed looga joojiyo faragelinta ay ku heyso Dawladda Federalka.

Maamulka Koonfur Galbeed oo uu hada hogaamiyo Cabdicasiis Laftagareen ayaa wajahaya mowjado siyaasadeed oo kaga imaanaya siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan Muqdisho.