Labo arrimood oo ku saabsan safarka Ra”iisul wasaare Rooble ee Baraawe

SARKA ROOBLE EE MAGAALADA BARAAWE

MUQDISHO-AYAAAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Duhurnimadii Maanta waxaa ay gaareen degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo kasii horreeyay ayaa sheegay in ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee degmada Baraawe ay kala yihiin.

1: Dhaqan gelinta heshiiskii la xiriiray doorashada Baarlamaanka oo ay wada gaareen Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta dowlad Goboleedka iyo Duwa Muqdisho.

2: Booqashooyinka iyo kormeerka uu ku tagayo Goobaha labaad ee dowlad Gobeedyada, kuwaas oo loo asteeyay inay ka qabsoomaan dooshooyinka dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu sheegay in ay fulin doonaan wax walba oo awaamiir iyo talo ah oo uu siiyo , sidoo kalena ay u diyaariyeen in uu booqdo Xarumaha kala suwan ee Maamulka oo uu kujiro Isbitaalka degmada Baraawe.