Labo caruur oo walaalo ah oo ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa lala beegsaday gaari Cabdibile ah oo wadada marayay, waxaana ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo wadada isticmaalayay iyo askartii saarnayd gaariga qaraxa lala beegsaday.

Khasaare kala duwan ayaa la soo wariyey inuu ka dhashay qaraxan, waxaana sidoo kale socdo gurmad ballaaran oo loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Sidookale dadka qaraxa ku dhintay waxaa kamid ah labo caruur oo adeeg u soo doonay hooyadood oo wadada mareeyey, waana arein aad u xanuun badan.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaan goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen oo laga maqlayo rasaas xoogan.

Sabtidii hore ayey markii qaraxii labaad ee ugu weynaa ka dhacay Soobe, halkaas oo ay ku nafwaayeye dad lagu qiyaasay 120 qof halka ay ku dhaawacmeen inkabadan 300 oo qof.