Labo qof oo isku soo haray dadka loolanka ugu jira Gudoomiyaha G/Banaadir

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhageystay wadatashiyada ay la wadaageen lataliyeyaashiisa iyo saaxiibadiisa xisbiga UPD kuwaas oo shakhsiyaad kala duwan ay kala wataan si loo magacaabo.

Ilaa seddex qof ayaa aad loo hadal hayaa in la magacaabi karo,taas oo dad badan ay ku kala ogaan doonaan shaqada adag ee taalla Muqdisho Caasimada Dalka.

Xogaha la helay ayaa ku waramaya in Xasan Sheekh uu doonayo in mar kale xukunka kusoo celiyo labo shakhsi midkood waana Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo General Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Sidoo kale saaxiibada Madaxweyne Xasan sheekh maxamuud ayaa soo jeediyey tiro badan oo qaarkood qurba joog ah oo dalka uyimid xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir sidii ay uqaban lahaayeen.

Wakhtiyada soo aadan ayaa laga yaabaa in la magacaabo maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.