Labo tijaabo oo halis ku ah Musharaxiinta oo u hirgashay Madaxweyne Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hirgashay labo tijaabo uu doonaayey inuu ku tijaabiyo Musharaxiinta Mucaaradka kahor inta aysan bilaaban doorashada Soomaaliya.

Tijaabada koowaad ee kooxda Madaxweyne Farmaajo iyo lataliyaashiisa ku sameeyeen Mucaaradka ayaa aheyd doorashadii boobka aheyd ee uu kusoo baxday Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, taasoo ilaa hada aan la ogeyn cidda la tartantan, ayagoo mucaaradka ka aamuseen.Tijaabada labaad ee ayaa ah ceyrintii Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Simon Mulongo, oo la sheegay inuu kasoo horjeystay muddo kororsigii Farmaajo uu doonayey sanad kahor, waxaana la sheegay in Farmaajo ku wargeliyey in ciidamada AMISOM uu ka saari doono Soomaaliya hadii Farmaajo isku dayo muddo kororsiga, taasna ay sababtay in kooxda Farmaajo ay dagaalo hoosaad kala dhaxeeyey Simon Mulongo.Musharaxiinta Mucaaradka ayaa weli ka hadlin labadan dhacdo, waxayna muujinaysaa in siyaasad ahaan looga adkaaday Mucaaradka oo dagaal adag kula jiray Madaxweyne Farmaajo, ayagoo si adag ugu soo horjeeystay muddo kororsigii uu damacsanaa sanad kahor.