Lacagta diiwaangelinta musharaxiinta haweenka oo la dhimay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in boqolkiiba konton 50% la dhimo khidmada laga qaadayo musharaxiinta haweenka ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxiinta Haweenka ee Aqalka Sare ayaa hadda laga qaadayaa toban kun oo doolar ($10, 000), halka kuwa Golaha Shacabka laga qaadayo shan kun oo doolar ($5,000).

Lacagta diiwaangelin musharax kasta oo u tartamaya Aqalka Sare ayaa markii hore ahayd labaatan kun oo doolar ($20,000), halka Golaha Shacabka ay ahayd toban kun oo doolar ($10, 000).

Dhimista lacagaha laga qaadayo haweenka u tartamaya xildhinaannada labada aqal ee Soomaaliya ayaa timid markii ururada haweenka ay ka timid cabasho la xiriirta arrinaas.