lacagtii imaaraat-ka ee R/W Rooble fasaxay oo sii kordhisay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay ka hor yimid tallaabadii uu shalay R/wasaare Rooble qaaday ee aheyd lacagtii imaaraat-ka laga xanibay Afar sano ka hor uu ufasaxay in ay la bixi karaan.

Farmaajo ayaa amar dul dhigay Gudoomiyaha Bankiga dhexe isagoo faray in aan lacagtaasi oo gaareysa kudhawaad 10 milyan dollarka mareykanka aan la bixin karin.

Siyaasiyiin ka ag dhaw Madaxweynaha ayaa sheegay in ay socdaan qorshe lagu magacaabo R/wasaare Cusub kaas oo bedel unoqonaya Maxamed Xuseen Rooble.

Suurta galnimada waqtiyada soo aadan ayaa la sheegay in lagu dhawaaqo R/wasaaraha si uu howsha doorashada meesheeda uga sii wado maadaama Rooble lagu eedeeyey dhul dan guud ah uu dhisanayo islamarkaana howshii loo xilsaaray wax aan aheyn uu faraha la galay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa latashiyadii udambeeyey la yeelanaya dhinacyada ka ag dhaw si loo soo saaro digreetada magacaabida R/wasaaraha cusub iyadoo la ogeyn xaalada dalka ay gelin karto.

Sida la saadaalinayo R/wasaare ayaa loo magacaabi doonaa mid ka mid ah shakhsiyaadka udhaw Madaxweyne Farmaajo waxaana macquul ah in Cali Maxamed Geedi la magacaabo.