Lacagtii laga qaadi jiray ardayda dooneysa shahaaddada dugsiga sare oo la joojiyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka waxbarashada Faarax Sh. Cabdiqaadir ayaa hoos u dhigay lacagtii laga qaadi jiray ardayda dowladda ka dalbanaya shahaaddada dugsiga sare qiimaha oo horay u ahaa 20 dollar ayuu hadda ka dhigay 5 dollar. Culeys waalidiin badan ay lacagtaasi ku haysay ayaa hadda meesha ka baxaya.

“Maanta laga bilaabo Wasaaradda Waxbarashadu wax lacag ah kama qaadi doonto ardayda doonaysa shahaaddada Dugsiga Sare, waxaa jirto lacag $5 oo wasaarada maaliyada qaado, mana jiri doonto lacag kale oo waalidiinta laga qaadi doono” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in waalidiinta ayku dadaalaan waxbarashada caruurta, wasaaradana ay garab istaagan tahay.