Lafta-Gareen oo farriin u diray Xildhibaanada cusub ee laga soo doortay KGS

BAYDHABO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka qeybgalay Xaflad lagu Abaal marinayey Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ee soo gebi-gebeyey Qabashada Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku Metelaya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa la dardaarmay Xubnaha Guddiga ee doorashada ka shaqeeyay iyo Xildhibaanda lasoo doortay,isagoo bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashadu.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaan soo hadal qaadin cabashadii ka imaaneysay kuraasta qaar oo guddiga doorashooyinka ay hakiyeen iyo musharrixiin loo diiday inay tartamaan kadib markii laga celiyay Garoonka Aadan-Cadde, iyaga oo ku wajahnaa degaannada Koonfur Galbeed.

Xildhibaannada gaaraya 77 ee laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay Midnimo muujiyaan ,sidoo kalena awoodooda soo bandhigaan, isla markaana aan la kala qeybin.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa ka mid ah maamulada ugu horreeyay ee soo gaba-gabeyay doorashada labada aqal ee Baarlmaanka 11aad.