Lafta-gareen oo ku sugan “Addis Ababa” oo kusii jeeda dalka kale oo Afrika ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa.

Lafta-gareen ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya  Itoobiya Cabdulaahi Axmed Jaamac. Sidoo kale Lafta-gareen iyo wafdiga la socday ayaa Magaalada Addis Ababa uga sii gudbi doona dalka Niageria gaar ahaan Caasimada dalkaasi ee Abuuja.

Socdaalka lafta-gareen ee dalka Niageria ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira Arrimo shaqo oo aan la shaacin.