Lafta Gareen oo Shahaadada Kumeel gaarka guddoonsiiyay Xildhibaanada KG

BAYDHABO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa guddoonsiiyay Shahaadada Kumeel gaarka ah ee Xildhibaanada iyo Senatarada ka soo baxay Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Xubnaha shahaadada la guddoonsiiyay ayaa waxaa ku jira Xubno kuraastooda uu hakiyay Guddiga FEIT, waxaana xubnaha u baahnaan doonaan Shahaadada rasmiga iyo kaararka Aqoonsiga ah ee caddeyneysa Xildhibaannimadooda.

Laftagareen ayaa Xildhibaanada kala hadlay qorshaha siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed.