Lafta-Gareen oo wajahaya “Maxakamad” in la soo taago iyo eedeyn culus oo loo haysto.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa laga gudbin doonaa dacwad, waxaana lala kori doonaa Maxakamadaha dalka, Sida lagu sheegay war ka soo baxay odayaasha dhaqanka beesha Waalmugge, oo maalmaahan kulammo aaya-ka-tashi ah uga socdeen magalada Baydhabo iyo Caasimadda Soomaaliya.

Beeshaan oo ka mid ah beelaha dega degaannada Koofur galbeed, ayaa Lafta-gareen, ku eedeeyay inuu beeshiisa u xoogay halkii kursi ee Waalmugge, ku lahaayeen Dowladda Federaalka.

Waxa ay sheegeen in Laftagareen oo fulinaya amarka Farmaajo, uu hore xasuuq ugu geystay dad shacab ah, isla-markaana uu hadda ku daray boob doorasho, “taas ayaa khasab ka dhigeysa maxakamadeynta Madaxweynaha KG”. Ayaa lagu yiri warka.

Cabdicasiis Lafta-Gareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa ku dhaqaaqay tallaabo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka yaabisay, kadib markii uu kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maamulkaas, u xiray kaliya shaqsiyaad ay xidid, xigto iyo xabiib yihiin, isla-markaana uu ka reebay siyaasiyiinta miisaanka culus ee matala.

Kursigaan uu Lafta-gareen boobay oo ka mid ah kuraasta Aqalka sare ee Baalmaanka Faderaalka Soomaaliya, waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay, Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran.