Laftagareen oo baaq Deg Deg ah loo diray kadib doorashadii maanta ee Kismaayo

BAYDHABO-AYAAMAHA-Guddiga Maamulka Doorashada Heer dowlad Goboleed Koonfur Galbeed ayaa warqad codsi ah u diray Madaxwaynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed  Laftagareen, kaasi oo ku saabsanaa inuu soo gudbiyo liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso

Mudane Madaxweyne, anagoo tixraaceyno heshiisyadii doorashada ee 17 September, 1 October, 27 May, iyo 29 June. Anaga oo raaceyno sida shaxda doorashada loo dajiyay ee ku mudeysan heshiisyadii iyo jadwalka ay soo saareen Madaxda Qaranka iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal. Anagoo cadeeneena inaan diyaar u nahay gudashada waajibaadka Qaran, iyada oo aan raaceyno habraaca Doorashada Golaha Aqalka Sare, waxa aan halkan kuugu soo gudbineynaa codsi ku aadan inaad noo soo gudbiso liiska magacyada u sharxan  Aqalka Sare ee dalka.

Mudane Madaxweyne, iyada oo aan wada ogsoonahay in lagu guda jiro waqtigii loo asteeyay qabashada doorashada, laga marmaantahay taaba gelinta iyo isku dabaridka howlaha guddiga, anaga oo ku kalsoon mas’uuliyadda aad u heyso shacbiga reer Koonfur Galbeed , waxaan markale kaa codsaneynaa inaad noogu soo gudbiso Liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare.

Ugu dambeyn Mudane Madaxweyne waxaan kaa rajeyneynaa inaad naga aqbali doontid codsigan.