laftagareen oo ku dhawaaqay inay dib u dejin u sameyneynayaan dadkii laga soo musaafuriyay Laascaanood

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen ) ayaa sheegay in ay dib u dejin u samaynayaan dadkii dhawaan ay Somaliland kasoo musaafurisay magaalada laascaanood ee gobalka Sool, kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed .

Waxa uu sheegay in dadkaasi markoodii hore aysan wadin baahi ay qabeen ama abaar haysay balse ay waday Daruuf amni ay sababeen Al-Shabaab ay halkaasi u tageen.

Waxa uu intaa ku daray  laftagareen in ay abuurayaan jawi ay dadkaasi kusoo laabtaan oo ay kuhelaan amni dhulkoodana ku beertaan dalagyo kala duwan, nolol fiicanna kuhelaan si aysan markale amni darro ugu barakicin .

Hadalkaan ayuu ka sheegay Madaxwayanaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen munaasabad uu ku daahfurayay gole deegaan oo la doonayo in dhawaan laga dhiso magaalada Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ah ee maamulkaasi Koonfur Galbeed .