Laftagareen oo ku dhawaaqay liiskii harsanaa ee Aqalka Sare

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo dhameystiray Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Maamulkaas.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xalay soo saaray Musharaxiinta Lix kursi oo ka harsaneyd Senatorada laga soo doorto deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana kuraastaas ku tartamaya laba Musharax oo dooneysa inay kamid noqdaan Golaha Aqalka Sare.

Doorashada Musharaxiintan ayaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka dhacdo maalinta berri oo taariikhda ku beegan tahay 15-ka bishaan Agoosto 2021, sida lagu shaaciyay Jadwal ay soo saareen Guddiga doorashooyinka KGS.

  1. Xasan Xuseen Xaaji waa Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Federalka Soomaliya, horeyna usoo noqday Wasiirka Cadaaladda.
  2. Cabdiraxman Maxamed Cabdullahi

Waxay u badan tahay in uu soo bixi doono Xasan Xuseen Xaaji

Kursiga 2aad :

– Cali Sheikh Maxamud Gacal

– Cabdiqadir Cabdi Axmed

Kursiga 3aad :

Cabdiweli Maxamed Ibrahim Xaabsade oo la dhashay Wasiirada Haweenka Xukuumada Federalka Soomaliya Xaniifa Maxamed Ibrahim Xaabsade.

– Cabdullahi Robow Maxamed

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo horey Puntland u dhameystirtay.