Laftagareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka dowlad degaanka Soomaalida

BAYDHABO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo safar shaqa ku jooga Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kulan la qaatay Odeyaasha iyo Waxgaradka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha oo kulanka Odeyaasha ay ku wehlinayeen Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa kulankooda diirada ku saaray iskaashiga Amni labada Shacab taageerida Ciidanka ka qeyb qaadanaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo ka wada shaqaynta Is dhexgalka Bulshada.

Madaxweyne laftagareen ayaa Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida uga Mahadceliyey Soo dhoweyntooda Walaalnimo iyo sida ay uga go’antahay xoojinta ka wada shaqaynta xaqiijinta Amniga labada xuduudood..