Laftagareen oo ugu dambeyn aqbalay Shirka uu iclaamiyay Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa mar sii horreysay sheegay inuu ka qaybgaleyn shirka Ra’isal wasaaraha uu ku baaqay ee golaha wadatashiga qaran balse uu ka qayb galayo kan uu ku baaqay madaxweynaha.

Hase yeeshee bogga Radio Muqdisho waxaa maanta lagu qoray inuu madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen uu ka qayb galayo shirka golaha wadatashiga qaran lana filayo inuu magaalada Muqdisho uu soo gaaro.

Horayna waxaa magaalada Muqdisho ugu sugnaa madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Puntland.

Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Macallimuu oo bartiisa Facebook qoraal soo dhigay wuxuu sheegay in shirka looga hadli doono dardargelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka.

Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan ku baaqay golaha wadatshiga iney isugu yimaaddaan shir lagu qabanayo magaalada Muqdisho.