MUQDISHO-AAYAMAHA-Waxaa heer gabogebo ah maraya wada-halladii ugu dambeeyay ee madaxda sare ee dalka ay ka yeelanayaan dhismaha xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo la qaadanayay waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kale duwan ee bulshada oo uu kala hadlayey xukuumadda cusub ee lagu wado in la soo dhiso toddobaadkaan gudahiisa.
Xogo hoose oo la helay ayaa sheegaya in liiska golaha wasiirada magacyadooda taas oo dad badan laga waayey kuwo kalena ay kasoo dhex muuqdeen.
Weli waxaa isa soo taraya xogta aan jimcihii idinla wadaagnay oo sheegeysay in Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur kasoo dhex muuqan karo Golaha Wasiirada Cusub Ee R/Wasaare Xamse Barre soo magacaabi doono.
KURAASTA BEELAHA HAWIYE.
1- Ahmed Macalin Fiqi- Wasiirka arrimaha gudaha
2- Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar- Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka
3- Xildhibaan Maxamuud Beene-Beene- Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah.
4- Xildhibaan Dr Cali Xaaji Adam- Wasiirka Caafimaadka
5- Xasan Macalin- Wasiirka Dastuurka+Federaalka
WASIIRADDA BEELAHA DIRTA.
6- R/wasaare kuxigeenka isku haysi ayaa kataagan wali.
7- Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur- Wasiirka Maaliyada
8- Ahmed Xasan- Wasaarada lama hubo
WASIIRADDA BEELAHA DAAROOD-KA.
9- Max’ed Sh Doodishe- Wasiirka Amniga
10- Abshir Cumar Huruuse- Wasiirka arrimaha dibada
11- Xildhibaan Siciid Daahir-Lama oga weli
12- Xildhibaan Fardowsa/Xildhiban Axmed Taajir
13- Jamac Xasan Khaliif Lama oga weli
WASIIRADDA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE.
14- Cabdulqaadir Max’ed Nuur Wasiirka Difaaca
15- Mukhtaar Roobow Cali- Wasiirka Awqaafta arrimaha diinta iyo Ladagaalanka xagjirka.
16- Ahmed Madobe Nunow Weli lama oga wasaarada loo dhiibayo.
17- Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid
18- Xasan Eelaay- Wasiirka Xanaanada Xoolaha
KURAASTA BEELAHA SHANAAD.
19- Faarax Cabduqaadir Max’ed: Wasiirka Waxbarashada
20- Khadija Makhsuumi- Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
21- Daud Aweys-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya
Xogta waxaa laga yaabaa inay wax iska badelaan,iyadoo ay sidoo kale jiraan shakhsiyaad kale oo liiska golaha wasiirada cusub kasoo muuqan karo,balse aan la heynin wasaaradaha loo dhiibayo.