Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Jubbaland oo la soo saaray

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo saaray liiska musharaxiinta ku tartameysa afarta kursi ee ka dhiman aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland.

Doorashada afartan kursi ee ku harsanaa Jubbaland ayaa la filaya in si deg deg ah uga dhacdo Kismaayo, waxaana hadii la doorto afartan kursi kaliya ka hari doona kuraasta Aqalka Sare labo kursi oo ku harsan Galmudug.

Liiska Musharixiinta ayaa ka kooban Siddeed Musharax, kuwaasi oo ku tartami doona afar kursi, waxaana kuraasta labo ka mid ah ku tartami doona afar Haween ah.

Jubbaland ayaa horay loogu soo doortay inta badan kuraasta ay aqalka sare ku lahaayeen, waxaana jiray cadaadis Jubbaland kaga yimid beesha caalamka, kaasi oo ku aaddanaa in qoondada haweenka ay ilaaliyaan, waxaana taasi ay keentay in hadda loo xiro haweenka kuraasta qaar.