Liiska Musharaxiinta isdiiwaan gelisay ee ka qeyb galaya doorashada Aqalka Sare ee Hirshabelle

GOLAHA BAARLAMAANKA HIRSHABEELLE

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa la soo gabagabeeyay is diiwaangelinta muasharraxiinta Aqalka sare ee dowlad goboleedka Hir-Shabelle oo seddexdii maalin ee la soo dhaafay ka socotay magaalada Jowhar.

Gudigga hirgelinta doorashooyinka Hir-Shabelle ayaa sheegay in 27 Musharrax ay si rasmi ah isku diiwaangeliyeen, kuwaas oo ku tartami doona 8-da Kursi ee taalla Hirshabelle.

Maanta oo Isniin ah musharaxiinta ayaa Baarlamanka Hir-Shabelle ka jeedin doona khudbadahooda ku aadan ololaha doorashada, iyadoo maalinta talaadada ahna ay bilaaban doonto doorashada oo socon doonta muddo 3 cisho ah sida lagu xusay jadwalka ay horey u soo saareen guddiga doorashada Hirshabelle.

27 kan musharrax oo ay ku tilmaameen inay si rasmi ah ugu gudbeen ka qeyb galka tartanka doorasho ee xildhibaannada Aqalka sare ayaa imaanaya tartanka ay isaga hareen lix ruux oo ka mid ahaa 33 musharrax oo ku soo baxay liiska musharaxiinta Aqalka sare ee uu dhowaan shaaciyey Madaxweyne Cali Guudlaawe.