Lix arrimood oo guusha u horseeday ninka adduunka ugu taajirsan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Elon Musk ayaa haatan noqday ninka ugu taajirsan adduunka, isaga oo koobka ka qaaday aasaasaha Amazon Jeff Bezos.

Maamulaha Tesla iyo SpaceX ayaa hantidiisa lagu qiyaasay inay dhaaftayn $185bn (£136bn) kaddib markii ay korortay saamiga qiimaha shirkadda soos aarta gawaarida.

Sidaas darteed, waa maxay sirta ka dambeysa guushiisa? Sanado dhowr ah kahor waxaanu ka wareysannay isla arrintan. Si loo xuso guushiisa, ayaanu go’aansannay inaan idinla wadaagno wareysigiisa. Sidaas darteed, waxaan idiin soo gudbineynaa waxa Elon Musk u horseeday guusha uu ganacsiga ka gaaray.

1. Ma quseyso lacagta

Tani waa mid gebi ahaanba xuddun u ah sida uu Elon Musk u wajaho ganacsiga.

Markii aanu wareysannay sanadkii 2014 wuxuu sheegay inuusan la socon sida uu taajirka u yahay.

“Ma aha sida in jawaan lacag ah uu meel yaallo,” ayuu yuru. “Keliya waa inaan xoogaa cod ah ku leeyahay gudaha Tesla, iyo SpaceX, iyo SolarCity, suuqa ayaana saameyn ku leh codadkaas.”

Tesla Model X 90D full electric luxury crossover SUV car on display at Brussels Expo on January 9, 2020 in Brussels

Kama soo horjeedo in la cayrsado hantida “haddii si hagaagsan oo anshax leh loo sameeyo”, balse wuxuu sheegay inaysan ahayn waxa dhiirrigeliya.

Hannaankaas ayaa u muuqda inuu yahay mid u soconaya.

Shirkaddiisa gawaarida korontada ku shaqeeya, Tesla, ayaa gaar ahaan horumar weyn gaartay. Saamiga ayaa kor u kacay sanadkii la soo dhaafay iyadoo qiimaheeda lagu qiyaasay $700bn. Lacagtaas waxaad ku iibsan kartaa Ford, General Motors, BMW, Volkswagen iyo Fiat Chrysler, welina waxaa kuu soo haraysa lacag aad ku iibsato Ferrari.

A sculpture of Iron Man, a fictional superhero from Marvel Comics, outside a shopping mall in Zhengzhou in central China's Henan province

Balse Musk, oo sanadkan noqonaya 50 jir, ma filayo inuu geeriyoodo isaga oo taajir ah. Wuxuu sheegay inuu ka fekerayo in inta badan lacagtiisa uu ku kharash gareeyo in saldhig laga dhiso meeraha Mars, lamana yaabayo in msharuucaas uu galaafto dhammaan lacagtiisa.

Xaqiiqdii, sida Bill Gates, in noloshiisa uu ku dhammeysto isaga oo ay balaayiin doollar uga buuxaan bankiyada wuxuu u arkaa guul darro sababtoo ah lacagtaas si fiican uma uusan isticmaalin.

2. Hiigso waxaad jeceshahay

Waxaa laga dheehan karaa waxa uu Elon Musk rumeysan yahay inay tahay guusha.

“Waxaad dooneysaa inay arrimuhu fiicnaadaan mustaqbalka,” ayuu yiri. “Waxaad dooneysaa waxyaabahan xiisaha leh ee nolosha wanaajinaya.”

Soo qaado SpaceX. Wuxuu sheegay inuu shirkadda u aasaasay sababo la xiriira inuu ka niyad jabay in barnaamijka hawada Mareykanka uusan ahayn mid hiigsi leh.

“Waxaan ka war dhowrayay inaan hiigsanno meel ka baxsan Dhulka, oo aan Mars qof u dirno, dayaxana saldhig ku yeelanno, iyo ma taqaan inaan helno duullimaadyo badan oo taga orbit,” ayuu yiri.

Launch site

Ujeeddadiisa ugu weyn ma ahay inuu lacag sameeyo, balse in qof la geeyo meeraha Mars.

Musk wuxuu sheegay inuu isku arko injineer intii uu isku arki lahaa maalgasjade, wuxuuna leeyahay in waxa subixii dhaqaajiya ay tahay hammiga uu u hayo xallinta dhibaatooyinka teknolojiyadeed.

3. Haka cabsan inaad wax weyn ku fekerto

Mid ka mid ah waxyaabaha cajiibka ah ee ganacsiyada Elon Musk waa hanka uu leeyahay.

Wuxuu doonayaa inuu isbeddel ku sameeyo gawaarida, qabsado meeraha Mars, dhiso tubooyin ay dhex maraan tareenno xawaarahoodu sarreeyo iyo qaar kaloo badan.

Hal arrin baa halkan ku jirta oo lagala bixi karaa. Dhammaan mashaariicdiisa waa mala awaalka mustaqbalka ee lagu arki jiray wargeysyada carruurta horraantii sanadihii 1980-meeyadii.

Musk ma qariyo inay dhirrigeliyeen buugaagtii iyo filimaantii uu isagoo carruur ah ku daawan jiray Koofur Afrika.

Tesla factory under construction in Shanghai. Spring 2019

Wuxuu aaminsan yahay inaa n dib la isku dhigin. Labo shey ayaa laga dheehan karaa shakhsiyadda Musk.

Tan koowaad, wuxuu doonayaa inuu dedejiyo in laga gudbo shidaalka dhuxusha.

Tan labaad, wuxuu doonayaa in bani’aadamku uu badbaado muddada dheer iyadoo la qabsanayo meeraha Mars si loo helo meereyaal isku milan.

4. U diyaar garow inaad khatarta u bareerto

Tani way caddahay.

Elon Musk wuxuu qaatay khatarro aad u badan.

Sanadkii 2002 wuxuu iibiyay labo ka mid ah shirkadihiisii ugu horreeyay. Waxay kala yihiin Zip2 iyo PayPal. Wuxuu markaas galay da’da 30-meeyada waxaana bankiga ugu jirtay in ka badan $200m.

Wuxuu sheegay in qorshihiisa uu ahaa in qeyb ka mid ah lacagtiisa uu geliyo ganacsiyo, qeybta kalena uu keydsado.

Qorshahaas uma shaqeyn. Markii aanu wareysiga la yeelaneynay wuxuu ka soo baxay xilligii ugu madoobaa noloshiisa ganacsiga.

Shirkadihiisa cusub ayaa wajahay dhibaatooyin adag. Saddexdii furitaan ee ugu horreeyay ee SpaceX ayaa guul darreystay, sidoo kalena Tesla waxaa soo wajahay dhibaatooyin wax soo saarka ah, iyo suuq geynta, iyo arrimaha naqshadeynta.

Charging the electric car in Copenhagen, Denmark

Kaddib xaalad dhaqaale ayaa soo wajahday.

Musk wuxuu kala doortay labo arrin. “Inaan lacagta heysto, oo ay shirkaduhu baaba’aan, ama in intaan heysto aan ku maalgashado laga yaabee inay fursad kale jirto.”

Lacagtii ayuu geliyay shirkadaha.

Waxaa mararka qaar soo wajahday busaarad ba’an isagoo ku qasbanaaday inuu saaxiibbadiis ka deynsado lacago uu nolol maalmeedkiisa ku kharash gareeyo.

Sidaas darteed, suurtogalnimada ah inuu musallafo miyaa baqdin gelisay?

Wuxuu sheegay inaysan cabsi gelin.

5. Iska indho tir kuwa wax cambaareeya

Waxa runtii ka yaabiyay – wayna caddeyd sanadkii 2014 weli aad buu uga murugeysnaa – waxay ahayd sida ay uga daba qaateen dad badan oo ay ka mid yihiin kuwa wax falanqeeya.

Wuxuu sheegay inay jireen bogag badan oo internet-ka ah oo doonayay inay Tesla dhimato.

Elon Musk iyo lamaantiisa, Grimes

Waxaan halkan ka baraneynaa casharka xiga ee Musk ee guusha ganacsiga – dheg ah u dhigin kuwa wax cambaareeya.

Wuxuu sheegay inuusan rumeysneyn in SpaceX iyo Tesla ay lacag sameyn doonaa markii ugu horreysay ee uu aasaasay – runtuna waxay tahay inuusan jirin qof moodayay.

Balse wuu iska indho tiray dadka hore ayuuna u socday.

Sababtu maxay tahay? Xusuusnow, kani waa nin guusha ku saleeya muhiimadda ay leedahay dhibaatooyinkii uu xalliyay, ee aan u arkin inta lacag ee uu sameeyay. Kama uusan cabsan in fakradihiisa aysan shaqeyn, balse wuxuu diiradda saaray hiigsiga fakrado muhiim ah.

Bishii October, bankiga maalgashiga Mareykanka Morgan Stanley ayaa SpaceX ku qiyaasay $100bn.

Shirkadda ayaa qaabeysay dhaqaalaha duullimaadka hawada, balse waxa uu inta badan ku faanayo Musk waa sida ay shirkaddiisa u casriyeysay barnaamijka hawada Mareykanka.

6. U raaxee naftaada

Raac talooyinkan, waxaad suurto gal noqon doonta inaad taajir iyo caan noqoto sidoo kale.

Elon Musk wuxuu caan ku yahay howlkar shaqo yaqaan ah – toddobaadkii 120 saacadood ayuu shaqeeyaa si uu u joogteeyo wax soo saarka Tesla Model 3 – balse tan iyo intaan wareysiga la yeelannay wuxuu u muuqdaa qof waqti la qaadanaya naftiisa.

Waxaa lagu soo oogay eedeymo meel ka dhac ah iyo inuu diyaaradda dhexdeeda sigaar ku cabay baraha bulshada ayuuna caro badan ka abuuray.

Sanadkii 2018 wuxuu dhibaato kala kulmay waaxda la socodka dhaqaalaha Mareykanka markii uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inuu qorsheynayo in Tesla uu ka dhigo shirkad gaar loo leeyahay, markii xanuunka safmarka ah ee Covid-19 uu sababay in Tesla ay xirto warshaddeedii San Francisco, wuxuu ka soo horjeestay xayiraadaha coronavirus.

Xagaagii la soo dhaafay wuxu ku dhawaaqay inu iibinayo alaabihiisa isagoo sheegay inay “ku cusleynayaan”.

Haddana dabeecadihiisa aan la saadaalin karin saameyn kuma yeelan ganacsiyadiisa, ganacsadahanna weli sidiisii ayuu u yahay mid hiigsi leh.

Bishii September, Musk wuxuu sheegya in Tesla ay muddo saddex sano gudahood ku sameyn doonto gaari $25,000 ah, wuxuuna sheegay in goor dhow dhammaan gawaarida cusub ee shirkadda ay noqon doonaan kuwo uu qofku wato,

Sanadkiisiina wuxuu ku dhammaaday si wanaagsan bishii December, markii SpaceX ay tijaabisay gaarigeeda cusub ee Starship, oo la rajeynayo in dadkii ugu horreeyay uu u qaado meeraha Mars.

Dayax-gacmeedka weyn ayaa qarxay lix daqiiqo kaddib markii la ganay.

Elon Musk ayaa ammaanay tijaabada wuxuuna ku sheegay inay tahay guul weyn.

Xigasho:- BBC