Ma aaminsan hadalka R/W Rooble ee ah in dalka uu galay doorasho xor & xalaal ah?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka sheegay munaasabad halkaasi ka dhacday in uu tixgelin doona wixii dan u ah Soomaaliya ee kasoo baxa Shirka Machadka Heritage.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay qaadan doonto talooyinka Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la is cafiyo oo horay loo socdo si loo hagaajiyo dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkiisa raaciyey in dalka uu galay  doorasho xor iyo xalaal ah, in kastoo ay jiraan cabashooyin badan oo kasoo noqday doorashooyinkii la qabtay.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ee ah in dalka uu galay doorasho xor iyo xalal ayaa dad badan waxay aaminsan yihiin in Rooble iska indho tiray baaqyadii Mucaaradka iyo boobka doorashada ee socota, isagoo marar badan balan qaaday inuu wax ka qaban doono cabashooyinka doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu Maanta soo xiro shirweynaha Shanaad ee  aragti wadaaga Machadka Heritage ee ka socda dalka Jabuuti.