Ma dhici karto in magaalo kale loo raro doorashada Garbahaarey ? .

  • MUQDISHU-AYAAMAHA-Guddiga SEIT ee Jubbaland ayaa dhawaan shaaciyey in muddo labo toddobaad gudahood ay ku qabanayaan doorashada 16-ka kursi ee u dambeysa kuraasta Jubbaland ku metalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraastaas ayaa ah kuwa u astaysnaa in lagu qabto magaalada Garbahaarey, balse warqadda guddiga meelna loogama xusin goobta lagu qaban doono kuraastan, waxaanq hadda soo baxaya khilaaf hor leh oo ka taagan halka lagu qabanayo doorashada kuraastaas.

Waxaa jira warar aad la’isula dhexmarayo oo sheegaya in Jubbaland ay qorsheynayso in doorashada kuraastan ku qabato meel aanan Garbaaharay ahayn, waxaana si gaar ah loo qeexay Ceelwaaq

Dalal Cilmi oo ka kid ah waxgaradka Gedo oo wareysi siiyay telefishanka Somali Cable ayaa sheegay in marnaba aysan suurta-gal aheyn in kuraasta 16-ka ah lagu qabto meel ka baxsan Garbahaarey, si waafaqsan heshiiskii doorashada ee 17-kii September.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Axmed Madoobe iyo Reer Gedo ay ka dhaxeyso tabasho hore, sidaas darteedna aan la rari karin kuraasta taalla Garbahaarey, isaga oo ku dooday in magaalooyin ka amni xun lagu qabtay doorashada Golaha Shacabka.