Ma guuleysan doonaa isbaheysiga cusub ee uu Farmaajo dhisayo

MUQDISHU-AYAAMAHA- Danjire Maxamed Caalim oo kamid ah dadka ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha laga damacsan yahay shirka ka dhacaya Baydhabo ee ay leeyihiin madaxda siyaasadda ee Beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, halkaasi oo la rabo in lagu dhiso isbaheysi Farmaajo taageera.

Danjire Caalim ayaa sheegay haddii uu shirkaas ku qotomo sida soo baxeysa ee uu ka dambeeyo Farmaajo uusan guuleysan doonin, islamarkaana ay fashil ku noqoneysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

“Waxay sii xoogeysaneysa carqaladaha siyaasadeed ee dalka, maadama markii hore aysan Nabad iyo Nolol aheyn koox siyaasadeed. Hadii siyaasadu dhaafto kooxeysi dhibaatadeeda ayey leedahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshaha laga leeyahay shirka Baydhabo ay sii daahinayaan doorashooyinka dalka, oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac.

Umaleyn maayo siyaasadan qabiilka ku dhisan, maadama aysan jirin Dir ama Digil iyo Mirif wax ku heshiiyay, waxay daahinayaan dadkii doonayey in doorasho dhaqso loo qabto.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay madaxda hogaaminaysa Dir, Digil iyo Mirif inay ka waantooban carqaladeyn kale oo ay sameeyaan, xili ay dalka ka socoto doorashooyin dhowr jeer dib u dhacay.