Ma tahay xilligii amniga caasimadda lagu wareejin lahaa maamulka G. Banaadir?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa dhowaan xilka la wareegay iyadoo ay tahay markii labaad ee uu Guddoomiye Madaale uu xilkan dib u qabto.

Markasta oo ay Muqdisho yeelato guddoomiye cusub su’aalaha ay dadka magaaladu is weydiinayaan ayaa u badan adeegyada looga baahan yahay in maamulku u qabto bulshada ku nool caasimadda.

Aqqoonyahanka magaalada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ammaanka caasimadda lagu wareejiyo maamulka gobolka Banaadir.

Dad badan ayaa is weydinaya in hadii amniga lagu wareejin lahaa arrimaha gobolka banaadir in wax badan ay iska bedeli lahayeen sida ay aaminsan yihiin aqoonyahanada.

Yuusuf Madaale ayaa wada dhaqdhaqaayo uu ku doonayo sidii uu ula soo wareegi lahaa amniga caasimada waxaana uu wadaa la tashiyo badan oi ku aadan arrimahan.