Maalinta Sawir qaadayaaasha Adduunka ( waa kuma sawir qaadaha aad hambalyo leedahay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sanad walba 19 August waxaa caalamka laga xusaa maalinta sawir-qaadayaasha adduunka, waana maalin u asteysan sawir qaadayaasha.

Sawir-qaadayaasha Soomaaliyeed ee xirfadleyda ah ayaa kamid ah sawir qaadiyaasha adduunka, iyadoo xirfadooda aad u sareysa soona bandhiga sawirro iyo muuqaalo tayadooda sarreyso.

Dalkeena Soomaaliya ayaa soomar marxalad kala duwan oo adag, sawir qaadayaasha Soomaaliyeed ayaa u dhabar adeegay marxaladihii dalka sanadihii tagay, waxayna qaateen qatar ay ku soo bandhigaan sawirro ka turjumaya xaalado kala duwan ee dalka soomaray.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya waxay noqotay goobaha ugu qurxoon loona soo dalxiis tago. Gudaha magaalada Muqdisho waxaa ku yaala goobo aad u qurux badan oo sawirrada lagu galo waxaana jooga, sawir qaadayaal Soomaaliyeed oo soo bandhiga bilicda Muqdisho.

Xirfada sawir qaadista ayaa xiligan la jooga Soomaaliya waxay ka tahay mid muhiim ah oo qofka barta xirfadan aan marnaba shaqo ku weynaynin.