Maamulka G/Banaadir oo digniin culus u diray Musharaxiinta Madaxweynaha

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray war saxaafadeed uu shacabka ku nool Gobolka Banaadir ugu baaqayo sugidda amniga, iyadoo eedeyn loo jeediyay Musharaxiinta Madaxweynaha ee todobaadkii hore ku shiray magaalada Muqdisho.

War saxaafadeedka oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa sal iyo raad laheyn lagu tilmaamay eedeyn ka timid Musharaxiinta Madaxweynaha oo loo jeediyay hadalkii uu dhowaan jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Madaxweyne Farmaajo.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu aad uga xun yahay qoraalka lagu faafiyay Baraha Bulshada ayna soo saareen qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha oo lagu qoray eed iyo cambaareyn aan sal iyo raad laheyn oo loo jeediyay madaxda qaranka ee dalka iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir loona turjumay si qaldan, iyada oo muhsarixiinta ka leeyihiin qoraalkooda dano guracan oo u adeegaya shisheeye ayaa lagu yiri”ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn waxaa qoraalka lagu sheegay in xaqiijinta amniga iyo xasilloonida Caasimadda in dadka ku nool ay si nabad ugu naaloodaan ay tahay waajib sharci ah oo uu u xil saaran yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, waxaana laga digay hab dhaqan kasta oo hadal iyo ficil ee dhiira gelinaya dib u dhax iyo xasilooni darro, taasoo keeni karta natiijo aan la mahdin, isla markaana aysan ogolaaneyn inay tasi dhacdo.