Maamulka G/Banaadir Oo Shaaciyay In Aysan Ku Shaqeyneyn Amarka Wasaardda Amniga

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka Muqdisho kala hadleen Go’aankii Maamulka Gobolka Banaadir u diiday in Magaalada uu ka dhacdo banaanbaxii la filayey khamiista ee dib loo dhigay.

Cali Yare ayaa xusay in Odayaasha dhaqanka ay u sheegeen in sababta loo diiday banaanbaxa ay tahay arrimo la xiriira amniga iyo in xiligaan aysan jirin baahi keeni karta in la qabto banaanbax, maadaama heshiis laga gaaray doorashada dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka ayaa tilmaamay inuu jiro culeys dhinaca amniga ah oo aysan doodeynin in la isku keeno dadweyne, isagoona sheegay in ammaanka shacabka Gobolka ay mas’uul ka yihiin,  isla markaana uu amniga kala qiimo badan yahay in lagu saleeyo doorasho muddo kooban soconeysa.

Cali Yare ayaa Carabka ku dhuftay inay taageersan yihiin Odayaasha dhaqanka Muqdisho, ayna ku boggaadinayaan dadaalada ay wadaan, kuna joojiyeen banaanbixii dhici lahaa, wuxuuna ka dalbaday Odayaasha in Guddiga abaabulka banaanbaxa u sheegaan sababta Maamulka Gobolka u diiday banaanbaxa ay tahay Arrimo amni.