Maamulka Galmudug Oo Kala Diray Guddigii Dhismaha Golayaasha Degaanka.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay Go’aan ay ku kala dirtay Guddigii farsamada ee dhismaha Golayaasha deegaanada Maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Galmudug ahna sii-hayaha xilka Wasiirka Axmed Cismaan Aadan ayaa waxaa lagu sheegay in la kala diray Guddigii farsamada dhismaha Golayaasha deegaanada degmooyinka Galmudug.

Sababta loo kala diray Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in wadashaqeyn la’aan dhex jirto Guddoonka Guddiga iyo xubno kale oo isku khilaafay hab-raaca dhismaha Golaha deegaanka degmada Balanbale ee Galgaduud.

Qoraal kasoo baxay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay sababta Guddiga dhowr qodob oo kala ah.

1: Kaddib Markay Caddaatay khilaafka ka dhex jira Guddoonka Guddiga iyo Xubnaha kale
gaaray heer aad u sareeya. 2: Kaddib Markay Wada-shaqeyn la’aanta ka dhex jirta Guddoonka Guddiga iyo xubnaha kale ee Guddiga iskuna khilaafay hab-raaca dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Balanballe.3:Kaddib Markaan arkay xadgudubyada lagu sameynayo qoraallada iyo hadallada Madaxda sare ee Dowlad-goboleedka Galmudug.4: Kaddib Markaan la tashi ballaaran la sameeyey bulshada iyo Madaxda Galmudug, in la go’aan saday in la kala diro Guddigii Farsamada ee dhismaha golayaasha degaannada Galmudug.

Arrintaan ayaa kusoo aaday, iyada oo maanta oo talaado filayo in degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ay ka dhacdo doorashada Golaha deegaanka, kadib markii dhawaan lasoo xulay xubnaha Golaha oo uu ka jiro is qab-qabsi.