Maamulka Garbahaarey oo shirkadaha diyaaradaha ugu digay iney soo qaadaan guddiga qiimeynta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mas’uuliyiinta ugu sarreeysa Maamulka degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka gedo ayaa guud ahaan Shirkadaha diyaaradaha waxaa ay uga digeen inay degmada keenaan Xubnaha Guddiga qiimeynta Garbahaareey uu u Magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiye kuxigeenka amniga & Siyaasadda degmada Garbahaareey ayaa sheegay in diyaaradii soo qaada Guddiga wixii ka yimaada mas’uuliyadeeda ay iyada qaadeyso.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku darayaan in ka maamul ahaan ay ka hortagayaan waxkasta oo ka hor imaanayaa heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September iyo is-afgaradkii Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Guddiga uu hoggaaminayo Cumar Dhageey uu yahay mid sharciga baalmarsan, isla markaana aysan aqbaleyn inay Garbahaarey tagaan, wuxuuna sicad u sheegay in Garbahaareey horay loo qiimeeyay doorashana lagu qaban karo.

Arrimaha khilaafka Gobolka Gedo ee u dhaxeeya Villa Somalia iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa noqday caqabad, iyada oo Magaalada Garbahaareey ay yaallaan 16 kursi oo la filayo in la qabto doorashadooda