Maamulka Garbaharrey oo ka jawaabay hadalkii kasoo baxay Wasiirada Jubbaland

KISMAAYO-AYAAMAHA-Maamulka Garbaharrey ayaa ka jawaabay hadalo kasoo yeerey Maamulka kismayo ee ahaa in Magaalada Garbahaarey aan doorasho lagu qaban karin.

War-saxafadeed ka soo baxay Maamulka ayaa lagu sheegay in Bulshada iyo Masuuliyiinta Garbahaarey in muddo ah ay sugayeen in doorasho ka dhacdo Magaalada, taaso oo ku xusan in heshiiskii 17 september 2020.

Sidookale Ra’iisul wasaare Rooble oo horey ugu balan qaaday Maamulka Garbahaarey in ay doorashada lagu qaban doono Magaalada ayey ka codsadeen inuu soo farageliyo arrinta, kana dhabeeyo ballantii.