Maamulka Gobolka Banaadir Oo Amar culus Dul Dhigay Ganacsatada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta u Akhriyay Xeerka uu soo saaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ka hortagga dabka ayaa lagu  amray ganacsatada iney Xeerkan dhaqan galiyaan.

Amarada kasoo baxay Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka kooban 7 qodob, kuwaas oo intooda badan ku socda Ganacsatada ku nool gobolkan Banaadir, waxaaa ay kala yihiin.

1- In dhamaan Goobaha Ganacsi & dhismooyinka waaweyn la faray inay qaataan qalabka looga hortago dabka ee loo yaqaano dab damiye noocyadiisa kala duwan, Qalabka digiinta dabka sheega iyo Shahaadada Dabka.

2- In maamulka gobolka Banadir ay u xulatay keenista qalabka dabka looga hortago waxyeelada dabka Shirkadda Som Fire protection, kadib markii Maamulka Gobolka Banaadir uu ku qancay tayada Qalabka.

3- Goobaha loogu talo galay ama loo asteeyay inay isticmaalaan Qalabkaan ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku sheegay, Dhamaan Shirkadaha waaweyn, kaalmaha Shidaalka, Maqaayadaha Waaweyn, Bangiyada, Moolasha Super, Marketyada , Garaashyada, Bakhaarada lagu iibiyo qalabka dhismaha noocyadooda kala duwan, dukaamada qalabka Electronicada ah, goobaha Waxbarashada, hoteelada, isbitaallada, Xafiisyada & xarumaha dowladda.

4- Waxaa la faray dhamaan goobaha ganacsiga inay qaataan Shahaadada dabka si loo mareeyo dabka tirada badan ee ka dhaca muqdisho, sidoo kalena laga maarmaan ay tahay inay heystaan  haamaha yaryar ee dabka lagu demiyo.

5- in laga bilaabo Maanta la mamnucay Ganacsiyada isku dhex Milan ee la isku dhex-gado waxyeelana isaga imaan karta, sida Shidaalka iyo wixii lamid ah.

6- Dhamaan qodobada an la soo sheegay hirgelintooda ayaa maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu u xilsaray waaxda gurmadka deg dega ah e dowladda Hoose ee Xamar.

7- In tallaabo uu ka qaadi doono Maamulka Gobolka Banaadir cid kasta oo ku xadgudubka xeerkaan iyo dhaqan gelintiisa.