Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar Deg Deg ah soo saaray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa awaamiir culus kasoo saaray Gawaarida Xamuulka ee Isticmaala Dekadda Magaalada Muqdisho si loo yareeyo saxmada iyo jaamka ka jira wadooyinka Magaalada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo awaamiirta Warbaahinta u Akriyay ayaa faray Milkiilayaasha Gaadiidka xamuulka ee ka howlgalla dekadda Muqdisho in Gaadiidkooda kasoo bixi karaan dekadda laga bilaabo saacadda 10:00 Habeenimo kuna eg  ilaa 4:00 Habeenimo.

Sidoo kale waxaa la mamnuucaay Gaadiidka Dekadda kasoo qaada Rarka dheeraadka ah, kaas oo mararka qaar ku rogmada wadooyinka magaalada Muqdisho, isla markaana dhibaato ay ka dhalato.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu sheegay in la amrayo Ciidamada ku sugan Isgoysyada Taleex, Tarabuunka  & Marinaayo ee Magaalada Muqdisho ay soo deyn karaan kaliya Gaadiidka xamuulka ee sida tooska ah u galaya dekadda ee aan baakinka ama fariisinka ka dhiganeyn wadooyinka u dhow dekadda.

Dhamaan Gaadiidleyda xamuulka qaada ee ka Shaqeeya dekadda & saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa la faray inay dhaqan geliyaan amarka kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir sida uu yahayna loo fuliyo.

Awaamiirtan kasoo baxday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadooyinka waaweyn ee Muqdisho ay mararka qaar shirk u galaan Gaadiidka waaweyn ee Xamuulka qaada, sidoo kale bur bur xoogan uu ka muuqdo wadooyinka qaar dhibaatana ay ku qabaan Gaadiidleeyda.