Maamulka Gobolka Banaadir oo fuliyey howlgal lagu bur-burinaayay dhismooyin.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Habeenimadii xalay ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ay sameeyeen howlgal lagu bur-burinaayay dhismooyin si sharci darro ah lagu dhistay Waddooyinka waaweyn ee degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa hoggaaminaayey howlgalka burburinta ah, waxaana la arkayey iyada oo la burburinaayo goobaha sida sharci darrada loo dhistay ee Waddooyinka waaweyn ee Kaaraan.

Afhayeenka Gobolka Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka burburinta ahaa ee xalay la sameeyay si gaar ah looga fuliyay goobo ku yaalla inta u dhexeeysa Isgoyska jiirada illaa Xaawa Casir.

Saalax Dheere ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu noqon doono mid sii socda, si loo fuliyo amarka Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ee ahaa ku aadan in aan marnaba la aqbali doonin goobaha sida sharci darrada loo dhistay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Digniin u diray Ganacsatada dhismooyinka sida sharci darrada ah uga dhistay hareeraha laamiga waddooyinka Caasimadda, wuxuuna Afhayeen Saalax Dheere tilmaamay in la burburin doono goob kasta oo si sharci darro ah loo dhistay.