Maamulka Gobolka Banaadir Oo Soo Saaray Amaro Cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye kuxiegenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Banaadir  Marwo Basma Caamir  oo la ogeeysiiyay dhamaan Mas’uuliyinta Maamulka gobolka Banaadir oo ay ku jiraan maamulada degaannada Garas-baaleey, gubadleey iyo daaru-Salaam ayaa waxaa amar la dul-dhigay Hay’adaha ka howlgallka Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso Amarada kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

1: in Dhamaan hay’adaha ka Shaqeeya arrimaha Bulshada aysan ka howlgelli karin magaalada Muqdisho, iyaga oo aan warqad ruqso ah ka heysan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  inta uusan dhamaan Sanadka 2020.

2: In Hay’addii aan isku soo diiwaangelin Shaqooyinka u diyaarsan sanadka 2021 in aysan ka Shaqeyn doonin dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilabo horaanta sanadka 2021.

3: Kadib markii lagu arkay habka ay wax u maamulaan hay’adaha Bixiya Gargaarka ka Shaqeeeya arrimaha Bulshada degmooyinka Gobolka Banaadir in aysan aheyn wax ku haboon dadka la gaarsiinayo ayaan waxaan go’aan sanay in jaangoon iyo nidaam ku sameeyno hay’ad kasta oo ka Shaqeeysa arrimo bulsho si ay u yaraato isbarbar yaaca ka jira markii ay timaado qeybin, xog arruurin ama qiimeyn.

4: In dhamaan hay’adaha ka howlgalla gobolka Banaadir laga bilaabo Maanta inay iska soo diiwaangeliyaan Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  Basma Caamir Shakeeti.