Maamulka Gobolka Hiiraan oo War kasoo saaray qarax geystay dhimashada & dhaawaca

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Caafimaad taam ah  Alle uga baryay Wariyeyaasha kala ah Khaalid Cismaan Muxumed Ilkacase iyo Cabdikariin Shabelloow iyo Cabdi Gureey sidoo kalane wuxuu Alle uga baryay in Naxariistiisa Jano siiyo Cabdiraxman cadoow oo kamid ahaa dhalinyarada Magaalada Beledweyne oo maanta waxyeelo ka soo gaartay qarax miino oo Al-Shabaab kula beegsadeen duleedka degmada Matabaan.

” Maamulka Gobolka Hiiraan wuxuu si buuxdo Gargaar ugu fidinayaa Dadka ku wax’yeeloobay Qaraxaas miino waxaa ka go’an Maamulka Gobalka hiiraan in la soo Afjaro Cadowga Al-Shabaab ee Dhibaatada joogtada ah ku haayo Dadka iyo deeganka waxaana si xoowli ah ku socdo howlagalka ka dhanka ah Al-shabaab oo u Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hadda si buuxdo gacanta uga hayaan degaanadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab Ciidamada Dowlada kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.