Maamulka Hir-Shabeelle oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Soomaaliya

Muqdisho-Ayaamaha-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa ku eedeeryay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka xayirtay lacag wax looga qaban lahaa fatahaadda  Wabiga Shabeelle, taas oo ay ugu deeqeen hay’addo Caalami ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in lacagta lagu bixinayay lacagtaas la saxiixay Bishii may ee sanadkii tegay ee 2020, balse sanad kadib aysan fulin dowlada Soomaaliya taasna ay keentay Wabiga Shabeelle uu ku fataho degaano dhowr ah.

Sidoo kale wasiir Caadle ayaa sheegay in xilligaan waxba soo kordhineyn in la is eed eedeeyo, balse ay muhiim tahay in wax walba la xaliyo si wax looga qabto fatahaadaha kajira degaannada Hir-Shabelle.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degaano hoostaga Magaalada Jowhar maalmihii la soo dhaafray uu Wabiga ka fatahay, isla markaana Go’doon ay gashay magaalada Jowhar.