Maamulka Puntland oo isbadal ku sameyey taliyeyaasha saldhigyada booliska

GAROWE-AYAAMAHA-Taliyaha Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Taliyaal cusub u magacaabay qaar kamid ah Saldhigyada degmooyinka Puntland.

1. Taliyaha Saldhiga Galbeed ee Garoowe ayaa loo magacaabay Laba Xiddigle Axmed Cali Shire.

2. Taliyaha Saldhiga bartamaha Garoowe ayaa loo magacaabay Dhamme Mahad Axmed Maxamuud.

3. Taliyaha Saldhiga degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ayaa loo magacaabay Dhamme Cabsirashiid Muuse Biriir.

4. Taliyaha Saldhiga degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay Laba Xiddigle Cabdicasiis Faarax Axmed.

5. Taliyaha Saldhiga degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa loo magacaabay Xiddigle Cabdiraxmaan Salaad Guul.

6. Taliyaha Saldhiga degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa loo magacaabay Xiddigle..