Maareeye oo dowladda federaalka ku eedeeyey damaca boobka kuraasta Gobolada Waqooyi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya kana mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye)  ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya & dowlad Goboleedyada ay ku heshiiyeen in la boobo kuraasta Gobolada waqooyi ee Soomaliland.

Maareeya ayaa si cad u sheegay in shirkii heshiiska looga garay arrimaha doorashoyinka ay aheyd inay ka qeyb galaan siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi balse loo diiday, taasina ay keentay in siyaasiyiin qaarkood ay dib ugu laabtaan degaannada Somaliland.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)  waxaa uu sheegay in sida hadda wax lagu wado ay buuq u keeni karto doorashada.

Wuxuu sheegay in shirkii Madasha qaran aan laga qeyb gelin reer waqooyi ahaan, ayaguna ay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya lkn uu sheegay dadka aan rabin midnimadaas.