Macalin dugsi iyo caruurtiisa oo ku nafwaayey madaafic ku dhacay gurigii ay daganaayeen.

Macalin dugsiMUQDISHO-AYAAMAHA-Khasaaro ayaa ka dhashay tiro madaafiic ah oo aroortii hore ee saaka kusoo dhacday xaafado katirsan degmooyinka Wartanabadda, Xamar-Jajab iyo Waaberi.

Mid kamid ah hoobiyaasha ayaa ku dhacay guri ay daganaayeen Qoys degan degmada Waaberi gaar ahaan agagaarka Isgoyska Ototo uu ku dhintay Macalin dugsi Qur’aan oo lagu Magacaabi jiray Macalin Aweys iyo Afar kale oo uu dhalay oo gabdho iyo wiilal isugu jira.

Dhacdo xanuun badan ayey aheyd geerida ku timid macalin dugsi oo xalay ku dhintay madaaficda xalay ku dhacday gurigooda taas oo ay ku nafwaayeen macalinkii iyo labo caruur ah oo uu dhalay.

Hooyada qoyska oo lagu Magacaabo Naciimo Maxamed Cabdi iyo Xaliimo Macalin Aweys Maadeey oo lix jir ahayd,  Isra Macalin Aweys iyo Maxamed Macalin Aweys Madey ayaa sidookale ku dhaawacmay hoobiyaha kusoo dhacay guriga.

Ugu yaraan shan qof shacab oo ay ku jiraan caruur ayaa ku dhintay tiro ka badan ayaa ku dhaawacantay hoobiyeyaasha kusoo dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horreeysay hoobiye kusoo dhacdo xaafadaha Muqdisho oo khasaara ka soo gaara shacabka ku nool magaalada.