Macalin dugsigii u dallaacay sirdoon.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya (NISA) iyo La-taliyihii hore ee Madaxweynaha ayaa bixiyay wareysi dhif ah oo lagu shaaciyay baraha bulshada.

Fahad ku sharraxay wareysiga oo ka baxay bogga Gaylan Media, oo taageeri jiray dowladdii madaxweyne Farmaajo ee uu xuddunta u ahaa Fahad Yaasiin, waxa uu ku sheegay waxyaabo ka mid ah noloshiisa.

BBC-da ayaa horay u daabacday warbixin dhinacyo badan taabanaysay oo ku saabsanayd shakhsiyadda Fahad Yaasiin, xilli uu xuddun u ahaa arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

Waa kuma Fahad

Si rasmi ah looma oga halka uu ku dhashay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir laakiin waxa ay baasabooradiisu muujinayaan in uu ku dhashay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii Luulyo 1978.

Wareysiga uu hadda bixiyay waxa uu ku sheegay inuu dhashay dabayaaqadii 1970-meeyadii, uuna kusoo dhex koray qoys diimeed, carruurnimadiisiina uu la qaatay hooyadiis.

Meel fagaare ah ama warbaahinta weli Fahad ugama uusan sheekeyn waxbarashadiisii, laakiin dad yaqaan waxay sheegeen in uu waxbarasho u tagay dalka Yemen kadibna uu dib ugu soo noqday Soomaaliya, halkaas oo uu kala jaan-qaaday ururo diimeedyadii ka jiray Soomaaliya.

Waraysigan cusub waxa uu ku sheegay in isagoo 16 jir ah uu noqday macallin dugsi quraan, oo muddo 11 sano ku dhow uu ahaan macallin dadka wax bari jiray.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inuu wax ku soo bartay dalka Bakistaan, sida lagu qoray machad-ka Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute. Laakiin BBC-da si madax banaan uma xaqiijin karto.

Dabeecadaha gaarka ah ee Fahad Yaasin

Fahad Yaasiin waa nin is qariya, oo aan lagu arkin fagaareyaasha, islamarkaasna aan kasoo muuqan warbaahinta wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 2012kii. Ma jiro sawiro iyo muuqaallo badan oo laga qaaday mudadaas, taas oo astaan u ah in uusan dooneynin in laga helo maclumaadka la xiriira shaqadiisa iyo shaqsiyadiisa ba. Ma leh bog rasmi ah oo loo yaqaan oo ka furan baraha bulshada.

Waxaa lagu sheegaa in uu yahay nin aad loo ilaaliyo, oo aan si sahlan lagu arki karin. Intaa waxaa u wehliya in uu ku adag yahay go’aamadiisa siyaasadeed.