Macalinkii Burcadka isku bedelay oo maanta Maxkamad xukun ku riday!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo talaado ah xukun ku riday rag lagu helay inay falal dhac ah ka geysteen gudaha Magaalada Muqdisbo, kuwaasi oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.

Raggaan oo laba ah oo midka ugu horreeyo lagu magacaabo Cabdifitaax Cali Cumar ayaa Maxkamadda kahor qirtay in fal burcadnimo ah uu dad uga qaatay telefoono gacanta iyo waxyaabo kale, isagoona sheegay in qaabka dhaca u geysan jiray uu kasoo miin-guuriyay filim Hindi ah uu daawaday.

Cabdifitaax Cali ayaa sheegay inuu wadan jiray Gaari nooca raaxada ah, isla markaana uu dadka ku dhici jiray qaab farsameysan oo u gaar ah, isla markaana uu dumar farabadan uga qaatay teleefoono gacanta iyo agabyo kale oo dumarka qaatan.

Xafiirka xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa horey Maxkamadda uga codsaday in xukun lagu riday Cabdifitaax Cali Cumar iyo Nuur Cali Xasan oo ah farsamayaqaan saameeya Moobeelada halaaba oo uu Cabdifitaax u geyn jiray teleefanada uu dadka kasoo dhaco.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun 10-sanno oo xabsi Ciidan ku riday Cabdifitaax Cali Cumar, halka Nuur Cali Xasan isna lagu xukumay 2-sanno oo xabsi ah, sida uu ku dhawaaqa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Si kastaba Ciidanka Booliska dowladda ayaa dhawaan gacanta kusoo dhigay Nuur Cali Xasan iyo Cabdifitaax Cali Cumar oo dad badan ka dhacay teleefono iyo agabyo kale, sidoo kalane jir-dil u geystay Gabar dhalinyaro ah oo uu dhac u geystay, taas oo warbaahinta ka hadashay.