Macawisleyda oo weerar gaadmo ah ku qaaday goob ay ku sugnaayeen  Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaal ayaa Saaka ka dhacay qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan oo u dhexeeya dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidanka is Abaabulay ee Macawisleyda.

Ciidamada Macawisleyada ayaa saaka weerar xooggan ku qaadeen Degaanka Geed-weyne oo u dhaxeyo  Degmada Jalalqasi iyo Degaanka Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaama wararku ay sheegayaan in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan xilii dadka degaanka ay soo food saartay cabsi aad u weyn.

Maamulka Gobolka Hiiraan wax war ah kama soo sarind agaalkaasi saaka dhacay, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ay kaga hadleen dagaalkaasi saaka ka dhacay inta u dhaxaysa Degmada Jalalqasi iyo Degaanka Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.