Macwiisleyda oo noqoday Ciidamada Xasan Sheekh ugu hanjabaayey Al-Shabaab

Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhowaan mar kale ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Ma jiro abaabul milateri oo la shaaciyay iyo howlgallo ay dowladdu waddo.

Hase yeeshee, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ayay maleeshiyo-beeleed iskood isu abaabulay waxa ay ka wadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Dowladda ayaa la sheegayaa inay u muujineyso taageero iyo dhiirrigelin.

Maleeshiyaadkaas oo gacan ka helaya ciidanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa duullaan ay shalay qaadeen Al-Shabaab uga qabsaday dhowr tuulo.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay shacab la dagaallamaan ururkaas gacan saarka la leh Al-Qaacidda.

Tuulooyinka laga saaray Al-Shabaab waxa ka mid ah Luuq Jeelow, Baar, Wardhabeelle iyo Raangaabo oo dhammaantood galbeed ka xiga Beledweyne.

Wasiirka amniga ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Kheyre ayaa isagoo ku sugan gobolka Hiiraan BBC-da u sheegay in aan dib looga soo laaban doonin deegaannada Al-Shabaab laga saaray.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab aysan haatan lahayn awood ay si toos ah ugu babac-dhigi karto ciidamada dowladda iyo macawiisleyda isgarabsanaya. Waxa uu sababta ku sheegay in meelo badan ay ka soo dagaallameen oo hadda ay tabar dhigeen.

Wasiir Maxamed Kheyre waxa uu sheegay in meel kooban uu ka dhacay iska-hor-imaadka oo uusan wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamada is-garabsanaya balse dhanka Al-Shabaab la xaqiijiyay ilaa “3 dhimasho ah.”

Dagaalkan cusub ee macawiisleyda iyo Al-Shabaab ayaa imaanaya iyadoo billowgii bishii Juun uu mid ka mid ah qabiillada dega gobolka Hiiraan weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Booco ee gobolkaas.

Dableyda ayaa markaas sheegtay inay ka jawaabaysay dil la sheegay inay kooxda u gaysatay nabaddoonkooda.

“Nabaddoonkeennii oo aan naqaanno in uu ahaa nin nadiif ah oo Muslim ah, ummadda aan dhibaatayn, cid kale aan gardareysan, doorasho aan ka qaybgelin, ergo kale aan ka qayb qaadan, annagii ogayn ayay noo sheegeen in uu gaal murtad ah ahaa, jawaabtooduna nalama su’aali karo ayay noqotay, si isla weyni leh ayay noola hadleen,” ayuu yiri nin ka mid ah dableyda dagaalka ku qaadday Al-Shabaab oo sababo amni dartood u codsaday in aan la magacaabin.

Wuxuu sheegay in kooxdooda oo lagu magacaabo ‘Macawisley’ ay u aar-gudayeen nabaddoonkooda oo lagu magacaabi jiray Cali Macallin Maxamuud (Cali Dheere) oo 27-kii May lagu dilay Beledweyne.

Wuxuu ka mid ahaa odayaasha caanka ka ah magaaladaas, wuxuuna ku eedeeyay Al Shababa inay ka dambeysay dilkiisa. Al-Shabaab markaas kama aysan hadlin dilka odayga iyo weerarka lagu qaaday.

Haddaba Beelaha is abaabulay ma ka adkaan karaan Al-Shabaab?

Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare oo xilligii uu ahaa taliyaha NISA ay billaabmeen maleeshiyo-beeleedka noocan ah oo BBC-da u warramay ayaa sheegay inay wax badan soo kordhin doonto dagaalka Macawiisleyda ee dib-u-billowday ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Adduunka meelo badan ayay ka dhacday in dagaallada ay dowladda gasho ay ka tayo badan yihiin kuwa dadka deegaanka ee is-abaabulay. Tusaale ahaan magaalada Mosul ee dalka Ciraaq waxaa kooxdii Daacish looga saaray wax la yiraahdo Xashbi Shacbi oo ahaa maaleeshiyo dadka deegaanka ah, marka aniga waxaan is leeyahay waa ay ka adkaan karaan haddii ay taageero ka helaan dowladda oo meesha ay xoreeyaanba maamul deg-deg ah laga sameeyo, sidoo kalana ay helaan misaaniyad loogu talagalay,” ayuu yiri Janaraal Tuuryare.

Maxay tahay in laga fikiro si aysan u burburin dhaqdhaqaaqyada macawisleyda?

“Waxaa laga bartay casharro dhowr ah, waa midda koowaade beelaha is abaabulaya laftooda waa in marka hore la dhameeyaa dhexdooda waxa yaalla. Waxaa laga yaabaa in beelo markii horeba ku dagaashanaa daaqa iyo deegaanka ay mid ka mid ah u kacdo la-dagaallanka Al-Shabaab, kaddibna ay beesha kale Shabaabku u adeegsadaan la-dagaallankeeda iyagoo ku dhahaya maanta fursad baad heysataan ee iska dhiciya beeshaan innagana garab baan idin siineynaa.”

Jeneraalka ayaa sheegay in arrimahaas ay caqabad ku noqdeen howlgalladii macawiisleyda iyo xitaa kuwii dowladda ,waxa uuna sheegay in cashar laga bartay oo loo baahan yahay in marka hore la dhameeyo khilaafka daaqa iyo deegaanka ee u dhaxeeya beelaha wada dega gobolka.

“Qodobka labaad ee aadka muhiimka u ah ee laga bartay ayaa ah in la ilaaliyo hoggaanka. Maxaa yeelay dadka la abaabulayo waxaa hoggaan u noqda dad culimo ah, dhaqan ah ama saraakiil ah marka waxaa dhacda in Al-Shabaab ay bartilmaameedsadaan hoggaankaas, si ay wixii u baaba’aan. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo hoggaankaas oo xil gaar ah la iska saaro amnigiisa, sidoo kalena la siiyo tababarro ku filan.”

SOURCE:- BBC