Madaxda dalka oo ka tacsiyeysay General Jaamac Maxamed Qaalib.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxda dalka ayaa ka tacsiyeysay geeridii ku timid Allah u naxariistee Generaal Jaamac Maxamed Qaalib.

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeyey geeridii ku timid Allah u naxariistee Taliyihii ugu horreeyey ee ciidanka NISA Generaal Jaamac Maxamed Qaalib.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer. Waxa uu xilalka kala duwan oo muhiim ah ka soo qabtay dowladdii Dhexe, isaga oo markii danbe na door muhiim ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidookale ka tacsiyeeyey Geerida Marxuunka.

“Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyska, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee General Jaamac Maxamed Qaalib.Alaha u naxariistee General Jaamac oo mas’uuliyado kala duwan ka soo qabtay dalka waxa uu dalkiisa ugu soo adeegay si hufan oo hagar la’aan ah, waxa uuna ahaa muwaadin ku timaaman daacadnimo iyo dal jaceyl”.

Sidookale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyey geerida Generaal Jaamac Qaalib.

“Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyayanayaa geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Gen Jaamac Maxamed Qaalib oo dowladda Soomaaliyeed u soo shaqeeyay waqti dheer.

Waa geeri si gaar ah inoo taabatay Soomaaliya waxaa ka baxay qof weyn, ruug caddaa siyaasadeed ah, macalin iyo qoraa,, Allaah kitaabkiisa midigta haka siiyo annagana gadaashiis nama fidneeyo, waxaan si gaar ah ugu tacsiyaynayaa qoyska marxuumka.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN