Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ka hadshay geerida Fanaanada Khadro Daahir Cige

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumadda ay kaalin weyn uga jirtay fanka Soomaaliyeed, iyada oo doorweyn ka qaadatay sare u qaadida fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo ay ka aheyd tiirarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa sheegay in uu murugada la qeybsanayo qoyska asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanaddii Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige, Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyootay iyo bahda fanka.

Alle ha u naxariistee Khadra Daahir Cigge ayaa Magaalada Hargeysa waxaa ay ku dhalatay sanadkii 1957-dii, waxaana ay fanka ku biirtay sanadkii 1974-tii, iyada oo ka qeyb qaatay riwaayado dhowr ah.