Madaxda Federaalka iyo maamul Goboleedyada oo ku wajahan Baydhabo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in haatan magaalada Bayadhabo uu ka socdo diyaar garow ku aadan shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayo in 14-ka bishan March uu ka furmo gudaha magaaladaasi.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa yeelan doono xubnaha Golaha Wadatashiga oo ka kooban Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Duqa Muqdisho iyo madaxda maamullada.

Wararka auyaa sheegaya in Shirka Golaha Wadatashiga diiradda lagu saari doono arrimo la xiriira doorashooyinka, si ay heshiis uga gaaraan madaxda dowladda iyo kuwa maamullada

Shirkan ayaa la sheegay inuu ka caga jiidayo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo uu haatan khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka iyo Jubaland.

Dhinaca kale ammaanka ayaa loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaalada Baydhabo, si ay u xaqiijiyaan amniga guud.

Si kastaba, shirka ayaa haatan ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana Soomaaliya ay ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.